Sign in to follow this  
Deeq A.

Michael Keating oo baajiyay safar uu maanta ku imaan lahaa Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Micheal Keating ayaa baajiyay safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland. Warar uu Puntlandi helayo ayaa sheegaya in baaqashada Micheal Keating ay sabab u tahay jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan barlamaanka Soomaaliya.

Micheal Keating, ayaa la filayay inuu kulan gaar ah la qaato madaxweyne Gaas, kadibna warbaahinta ay si wadajir ah ula hadlaan, laakiin goor dambe ayaa saxaafada lagu wargaliyay in kulankaan uu baaqday kadib farriin madaxtooyada kasoo gaartay xafiiska Keating.

Lama oga waxa uu ku saabsan yahay socdaalka Keating ku imaan lahaa Puntland, iyadoo la ogyahay in xilligaan aanu wanaagsanayn xidhiidhka Keating iyo dowladda federalka, kadib markii dhawaan dowladda federalka ay dacwad ka dhan xafiiska UNSOM ugudbisay Qaramada Midoobay.
Kadib markii ay ku eedeeyeen inuu sii hurinayo siyaasadaha cakiran ee ka jira Soomaaliya.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this