Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildibaanadii waday mooshinka ka dhanka ah Jawaari oo ka baxay Xarunta Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

baarlamaan-xarun.jpg?resize=828%2C512
Muqdisho (PP) ─
Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goor-dhaweyd ka baxay xarunta baarlamaanka Somalia, kaddib markii uu buux ka dhashay xarunta.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somalia C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo hoggaaminayay xildhibaannada mooshinka wada ayaa ku eedeeyay guddoomiye Jawaari inuu carqaladeeyay kulankii baarlamaanku maanta yeelan lahaa.

“Dhismaha baarlamaanka waxaa la wareegay ciidammo taabacsan Jawaari oo uu ka furmi waayay kulanka baarlamaaka,” ayay yiraahdeen xildhibaano dhawr ah oo ka tirsan kuwa mooshinka kawada Jawaari.

Sidoo kale, Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay in sida uu ku dhaqmayo Jawaari ay tahay mid aan loo dul-qaadan Karin, iyagoo madaxewynaha DF ka dalbaday inuu soo fara-geliyo xiisadda ka aloosan baarlamaanka Somalia.

“Waa ayaan-darro in guddoomiye Jawaari uu xarunta baarlamaanka maanta qabsado oo lagu kulmi waayo, xildhibaannada intooda badanna ay dibadda taagan yihiin, waana mid aan odayga u wanaagsanayn,” ayuu yiri mudane ka tirsan kuwa mooshinka kawaday Jawaari.

Dhanka kale, Xildhibaanad Aamino Cumar Jaamac oo ka mid ahayd xubnihii saakay tagay xarunta baarlamaanka oo wariyeyaasha kula hadashay goob dibadda ka ah xarunta baarlamaanka ayaa sheegtay in dhibaatada hadda taagan ay dhammaan doonto, xaaladduna ay dib u soo laaban doonto.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada intooda badan ayaa waxay u muuqdaa inay kasoo horjeedaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, inkstooa aysan weli xukuumadda Somalia ka hadlin dhibaatooyinka ka taagan xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

HADDABA DAAWO: Muuqaalka Xildhibaannada ka hadlay Arrintaan…

TOOS : Muqdisho Xildhibaano iska soo horjeeda oo warbaahinta kula hadlaya afaafka hore ee golaha shacabka.

Posted by SBC Somali TV on Wednesday, April 4, 2018

PUNTLAND POST

The post Xildibaanadii waday mooshinka ka dhanka ah Jawaari oo ka baxay Xarunta Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this