Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Baarlamaanka Maanta oo Fashil iyo Buuq ku dhamaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa guud ahaan hakad uu ku yimid kulankii mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya lagu waday in ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Shirkaasi ayaa ku dhamaaday buuq kadib markii labada dhinac ay isku eedeeyeen in midba midka kale uu joojiyay kulankaasi.

Xildhibaanada wada Mooshinka ayaa Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay in ay kulankaasi uu isaga baajiyay kadib markii uu hub la soo galay xarunta Baarlamaanka.

Dhinaca kale xildhibaanada ka soo horjeedo mooshinkaasi ayaa Xukuumada ku eedeeyay in kulankaasi ay joojisay.

Xildhibaanada ayaa isku qilaafsanaa Ajandaha kulankaasi.

lama oga xiliga sida rasmiga ah uu dib ugu furmi doono kulankaasi Baarlamaanka .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Kulankii Baarlamaanka Maanta oo Fashil iyo Buuq ku dhamaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this