Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaasha Ciidamada Amniga oo eedeeyay Gudoomiye Jawaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wariyaasha kula hadlay Taliyaasha ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Milatariga , Booliska iyo Asluubta ayaa wariyaasha u sharaxay sidii ay maanta wax uga dhiceen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Taliyaasha ayaa sheegay in Amaanka ay si aad ah u adkeeyeen islamarkaasina ay ka hortageen wax kasta oo amni daro keeni karay.

Taliyaasha ayaa soo hadal qaaday baaqashadii maanta ee kulankii Baarlamaanka iyaga oo eedeeyn u jeediyay Gudoomiye Jawaari.

Waxa ay kuu eedeeyeen in Gudoomiye Jawaari uu ka dhaga adeegay in ciidamo uusan la soo galin xarunta Golaha Shacabka.

Waxaana ay sheegeen in Gudoomiye Jawaari iyo Gudoomiye Cawad labadaba ay dhagaha ka fureeysteen baaqa Ha;aydaha amniga hub iyo askar badana xarunta la galeen.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa buuq iyo is fahan waa ku dhamaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Taliyaasha Ciidamada Amniga oo eedeeyay Gudoomiye Jawaari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this