Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaaraya xarunta barlamaanka iyo halka xaaladu marayso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Muudeey ayaa gudaha xaraunta barlamaanka la galay ciidamo aad u hubaysan, iyagoo diiday inay ciidamada uga tagaan bannaanka.

Wararka uu Puntlandi helayo waxay sheegayaan in xarunta barlamanka uu haatan ka socda buuq xoogan oo ka dhashay ciidamada gudaha lalasoo galay, taasoo oo keentay cabsi weyn oo laga cabo inay isku dhacaan ilaalada Jawari iyo Muudeey.

Warbaahinta ayaa isaga dareeray xarunta golaha kadib markii loo diiday inay gudaha u galaan xarunta golaha, waxayna umuuqataa inuu kulankaan baaqandoono mamadaama aanu weli furman kalfadhiga la iskuna hayo  labo ajande oo ay kala wataan labada garab.

Xildhibaano ayaa diiday inay galaan xarunta barlamaanka kadib markii ay sheegeen in la jabiyay go’aankii hay’addaha ammaanka ee ahaa inaan wax hub ah lala galin xarunta golaha.

Puntlandi.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this