Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BF oo ku qulqulaaya Xarunta & Garabka Mooshinka kawada Jawaari oo hal dhinac isku uruursanaaya (Tirada Xildhibanada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia uu ka qabsoomayo kulamo iska soo horjeedo oo ay kala qabsan doonaan Xildhibaanada labada garab ee BF.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa qaarkood hadda ku qulqulaaya Xarunta Golaha Shacabka kuwaa oo kala taabacsan labada Garab ee Mooshin wadayaasha iyo garabka difaaca Jawaari.

Xildhibaanada xarunta Golaha Shacabka wakhti hore  xaadiray ayaa waxa ay yihiin kuwa Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheeh Cusmaan Jawaari, kuwaa horay loogu kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo inuu qabsoomayo Mooshinka.

Xildhibaanada ugu badan ayaa aaminsan in xarunta Golaha Shacabka uu saakay ka dhacayo kulanka xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna waxaa dhankooda loo kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo in kulanka uu yahay mid looga doodaayo ajando ku saabsan darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

Xildhibaanada hadda ku sugan gudaha Xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay inay gaarayaan ku dhawaad 130 Xildhibaan, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan baarlamaanka.

‘’Waxaa hadda Xarunta baarlamaanka aan ku joognaa ku dhawaad 130 Xildhibaan oo isku jir ah, qeyb waliba waxa ay sugeysaa inay ka doodaan Ajandahooda waxaase lawada ogyahay in qorshaha kulanka uu yahay codeynta Mooshinka Jawaari’’

Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugan gudaha Xarunta ayaa kala fadhiya laba qeyb, waxaana lasoo sheegayaa in fadhigooda uu yahay mid muujinaaya isgarabsi.

Geesta kale, waxaa laga cabsi qabaa in Xarunta Golaha shacabka uu ka dhaco gacan ka hadal dhexmara Xildhibaanada labada ee baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this