Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Jawaari oo Tagay Xarunta Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow gaaray xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad.

Sidoo kale waxaa isagana  gaaray gudaha xarunta Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey.

Waxaana gudaha xarunta golaha shacabka kuwada sugan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo isku qilaafsan Mooshinka Jawaari laga soo gudbiyay.

Xildhibaanada ayaa safaf dhaadheer ku jira si loo baaro islamarkaasina ay gudaha u galaan.

Waxaa durba soo baxaya khilaaf ku saabsan cida hogaamin doonto fadhiga Baarlamaanka.

Waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu balamiyay Ajandayaal is qilaafsan oo ku kala aadan Mooshinka Jawaari iyo Darbiga Kenya.

La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Gudoomiye Jawaari oo Tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this