Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg deg ah–Amisom iyo Beesha Caalamka oo soo faragaliyey Qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhexaloosan Labada Gole ee Dowlada Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

War-Deg-Deg-ah.jpg

Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Amisom lagu amray iney ilaaliyaan Amaanka Baarlamaanka Federaalka iyadoo qaybaha kale ee Beesha Caalamkuna ay taageereen hindisaha Amisom, Beesha Caalamku waxay balan qaadeen inay indhaha ku heynayaan shir walba oo ka dhaca Golaha Shacabka ayna taageerayaan ilaalinta Dastuurka Soomaaliya.

Masuuliyiinta Golaha Shacabka iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ah ayaa iyana Beesha Caalamku indhaha ku heynaysaa, waxayna xaalada hada u muuqataa i Beesha Caalamku ay iminka faragaljn buuxda ku sameynayso Khilaafka u dheexeeya Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,

Arinataan ayaa timid ka dib markii Gudoomiayaha Baarlamaanka uu maanta afka furtay uuna qarxiyey in Khilaafku uu hada meelxun uu marayo isagoo Gudoomiyuhu uu si cad u sheegay usheegay in Dagaalka Siyaasadeed uu u dhexeeyo Xukuumada Iyo Baarlamaanka.

Waan waantii maalmihii dhaweyd socotayna ay ahayd hoosaasin aan waxba ka jirin arintaasna Beesha Caalamku aad ayay uga xumaadeen ugana rajo dhigeen.

Waxaa la qorshaynayaa in beri oo arbaco ah ay Dhismaha Baarlamaanka ay yimaadaan Ciidomo Amisom ka socdz ..

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ilaa hada kama uusan hadal hadaladaa kasoo yeeray Gudoomiye Jawaari.

Wixii soo korsdha kala soco Puntlandi.com oo si gaara indhaha ugu haya xaalada siyaasadeed ee Muqdisho.

Puntalndi.com
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this