Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad hubka noocyadiisa kala duwan waday oo ku dagtay deegaan ku yaala xadka Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled-xaawo ayaa sheegaya in deegaan ku yaala Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya ay kusoo degtay Diyaarad siday Hub kala ceyn ah.

Diyaaradan oo la sheegay inay daabusho Hubka kaliya ayaa laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaa la xaqiijiyay in halkaa ay ku dajisay Hub noocyo kala duwan ka kooban.

Hubka ay dajisay diyaaradaas ayaan la ogeyn halka laga leeyahay, wallow wararka qaar ay sheegayaan in qaarkood loo soo raray dhulka ay al-Shabaab ka heystan Xadka.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday Cidamo Mareykan ah waxa ayna warbaahinta ay sheegen in diyaardan ay leedahay shirkad la yiraahdo Black Water oo ka howlgasha adduunka taa oo Saldhigeedu yahay dalka Mareykanka.

Sidoo kale,diyaaradaan ayaa si gaara ugu dagtay meel duura sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Kenya sidoo kale waxay warbaahinta ay tabisay in astaanta iyo numberka ay muujinayaan in diyaaradaas laga leeyahay Mareykanka.

Ma cadda u jeedka laga leeyahay Hubka waxaase laga cabsi qabaa in Hubkaasi loo waday maleeshiyaadka al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this