Deeq A. Posted April 3, 2018 Duqa caasimadda Puntland, Xassan Maxamed Ciise(Goodir) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe ayaa shaaciyay in deb-damisyo cusub loo soo iibiyay magaalada Garoowe. Duqa ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay dab-demisyo ay hesho magaalada Garoowe,islamarkaana dadaalkaasi uu mira-dhal noqday,kadib markii shir dhexmaray shirkadda Is-gaarsiinta Golis iyo dowladda hoose lagu go’aamiyay in saddex dab-demis loo soo iibiyo caasimadda Garoowe. Dab-demisyadaan oo lacagta lagu soo iibiyay ay iska-kaashadeen shirkadda Is-gaarsiinta Golis iyo dowladda hoose,ayaa bishaan gudaheeda laga keenaya dalka Imaaraadka Carabta,sida u hadalka u dhigay Xassan Goodir. Dhinaca kale xubno ka tirsan Xildhibaannada Golaha Degaanka degmada Garoowe ayaa ku dhawaaqay mooshin ka dhan ah duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxamed Ciise(Goodir) oo ay ku eedeeyeen xil-gasho la’aan iyo musuq maasuq. Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin 20 xubnood,inkastoo madasha ay shirka jaraa’id ku qabteen ay ka muuqdeen sagaal xildhibaan oo keliyah. Xubnahaan ayaa buuq iyo muran ka sameeyay furitaanka Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe,xilli uu hadal waano ah jeedinayey Suldaan Siciid Maxammed Garaase oo kamid ah isimada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi(Tima-cadde) oo furay Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe,ayaa sheegay in Puntland haatan ay ka jiraan duruufo gaar ah,islamarkaana aan loo baahneyn khilaaf iyo is-qab-qabsi. Wasiir Tima-cadde ayaa sidoo kale xildhibaannada mooshinka keenay ugu baaqay in mooshinka loo maro hab sharci ah,isagoo uga digay in ay caasimadda Garoowe ka sameeyaan arrinta Xamar ka socota oo kale. Halkaan ka daawo dhammaan dhinacyada. PUNTLAND POST The post Golaha Degaanka Garoowe oo buuq iyo mooshin ku furmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites