Sign in to follow this  
Deeq A.

Caanood oo shaaciyay noocyada Hubka laga qabsaday Shabaab & Horjoogayaal caana oo laga dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Cabdulaahi Cali Caanood ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab cashar lama ilaaban ah loogu dhigay dagaalkii ay AMISOM kula galeen deegaanka Buula-mareer oo hoostagta degmada kuntuwaarey ee gobalka shabellaha Hoose.

Abaanduulaha ayaa sheegay in weerarkaasi Buula-mareer laga war hayay islamarkaana ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM fashiliyeen.

Cabdulaahi Cali Caanood, waxa uu intaa raaciyay in tirada guud ee dagaalka looga dilay al-Shabaab ay tahay 66 maleeshiyo oo ay ku jiraan Horjoogayaal dhowr ah, halka dhankooda waxyeelo ay kasoo gaartay ilaa iyo Seddex  Askari oo dhaawac ah sida uu hadalka u dhigay abaanduule Caanood.

Abaanduule Caanood, ayaa sidoo kale wuxuu sheegay Shabaab in xerada ay ku soo weerareen ilaa Saddex gaari oo midi uu soo gaaray ilinka hore ee xerada, iskuna qarxiyay, uuna dhaawacay Hal Askari, balse labada kale lagu qarxiyay meel aanan u dhaweyn xerada, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in Saddex Askari ay ka dhaawacmeen oo haleelay qaraxa, kuwaasi oo hada xaaladooda caafimaad lala tacaalayo, diyaarna ay u yihiin in ay dalkooda u adeegaan.

Abaanduule Caanood, wuxuu kaloo tilmaamay in dagaalka al-Shabaab looga furtay hub gaarayay 30 qori, kuwaasi oo kala ah 12 Qori AK-47 ah 20  Qori PKM ah iyo qori Dhashiiko ah.

AMISOM iyo Ciidanka Dowladda oo isku dhinac ah iyo Shabaab guulo ayay ka sheegteen dagaalkan , kadib hadalo ay isku mariyeen warbaahinta, balse ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sida ay wax uga dhaceen halkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdullaahi Cali Caanood Amaanduulaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed ayaa sheegay in dhawaan dagaalka saf mareen ah lagu qaadi doono dagaalamayaasha al-Shabaab kaasi oo looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga suganyihiin dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this