Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war cad kasoo saaray dilka Saraakiil ka tirsan al-Shabaabka ka howlgala Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ku dileen Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab.

Taliska ayaa sheegay in Duqeyntaasi ay gelinkii dambe ee Axadii ka dhacday meel u dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, isla markaana ay ku dileen shaqsiyaad ay aad u baadi-goobayeen.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay Shan Horjooge ka tirsan al-Shabaab, isla markaana duqeyn taasi aysan wax khasaara ah kasoo gaarin dad shacab ah.

Todobaadkan weerar dhinaca Cirka ah oo ka dhacay degaanka Kaamjarroon ee Gobolka Jubada hoose ayaa lagu dilay dad rayid ah iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Sidoo kale, Taliska Ciidamada Mareykanka ee howgallada kawada qaarada Afrika ayaa kor dhiyay weerarada duqeymaha ah ee ka geystaan qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono talaabooyinka la xiriira Duqeymaha ay fulinayaan ee horey loo ansixiyay, si loo ilaaliyo ammaanka Muwaadiniinta Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha Argagixisada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this