Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Uganda oo soo bandhigtay tirada Saraakiishii uga dhintay weerarkii Buula Mareer.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar kamid ah saraakiisha ciidankooda lagu dilay weerar Alshabaab kusoo qaadeen oo ka dhacay gobolka Shabellada hoose.

Sida lagasoo xigtay afhayeenka ciidanka Milatariga Uganda, saraakiishaan ayaa qeyb ka ahaa howgalka Amisom, waxayna naftooda ku waayeen weerarkii degmada Buula Mareer ka dhacay.

Uganda ayaa sidoo kale sheegtay inay iyaguna dileen in ka badan 30 Shabaabkii weerarka soo qaaday. Waxaa kaloo ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas sidoo kalena ay burburiyeen sideed gaari oo ay labo kamid ah ay qaraxyo ku xirnaayeen.

Warbaahinta gudaha ayaa soo bandhigtay sawirro lagasoo qaaday goobtii uu weerarku dhacay halkaas oo lagu arkay maydad badan oo Shabaabku ka carareen iyo Saanad ciidan.

DAAWO SAWIRRADA.

29793321_2015022058527230_34706023363128 29793321_2015022058527230_34706023363128 29790514_2015022098527226_53682050436648 29683363_2015022118527224_55125343025159 29573267_2015022158527220_47654252193982 29595452_2015022198527216_34279958643848

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this