Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix Qof Oo isku qoys ah Oo Miino ay kula Qaraxday Gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan Deegaanka Buule-burde ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 7 qof, oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin kadib markii ay Miino kula Qaraxday halkaasi xili ay ku soo jeedeen deegaankaasi .

Dadka  uu Qaraxu haleelay ayaa waxaa kujiray hooyo iyo 4 caruur oo ay dhashay, Aabahood iyo macalim Dugsi Quraan , kuwaas oo dhamaantood  goobta ku geeriyooday.

Guddoomiyaha Buuloburte Cabdi Daahir Guure, ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Miinadaasi goobta ugu Aaseen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ,balse nasiibdaro ay la kacday dadkaasi shacabka ahaa.

Waxa uu sheegay in arintan ay qayb ka tahay dhibaatada ay Al-Shabaab shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this