Deeq A. Posted April 2, 2018 Waxaan maqlay in aad beryahaan is haysataan oo waqti u helin in aad la socotaan Nabad iyo Nolol wixii Afrika ka dhacay usbuucyadii la soo dhaafay. Marka waan idiin soo uruuriyay maadama aad isku yara mashquusheen beryahaan. Sadex shirkadood oo Itoobiyaan ah (Alfoz Plc, Rimon General Trading iyo Beal Livestock Exports) ayaa heshiis ay kala saxiideen dawlada Masar in ay u dhoofshaan 354,000 oo xoolo nool ah lacagtooduna tahay 2.4 billion lacagta birta ee Itoobiyaanka. Shirkado kelinka Soomaaliyeed kuma arag liiska in kastoo gobolkooda xoolaha laga soo aruurin doono. Dalalka geeska Africa ee (Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda) waxaa ay canshuurtii ka dhaafeen soo dejinta calaf ka xoolaha la siiyo iyo waxyaabaha laga sameeyo ama lagu daro daaqa ama calafka xoolaha. Taa oo raqiis ka dhigi doonta hilibka, digaaga ukuntiisa iyo caanaha dalalkan. Ma laga yaabaa in ay xoolohoodu calaf raqiiska ah ee ay helayaan ay suuqa nagu cariirshaan taas oo wax u dhimi karta Nabadda iyo Nolosha Soomaaliyeed? Kenya waxaa ay gashay kaalinta 9aad, halka ay Itoobiya ka gashan kaalinta 10aad dalalka soo jiidashada maalgashiga qaaradda Afrika taa oo ay soo saartay Shirkada Quantum Global reboortigeeda ugu danbeeyey ee African Investment Index 2018. Is qabqabsigiina siyaasadda iyo la dhaqanka shirkadaha ajnabiga ma laga yaabaa inuu Somalia ka sii durkiyo higsashada dawladaha deriska xaga soo jiidashada lacagaha maalgashiga dunida? Bangiga Maalgashiga ee Europe (The European Investment Bank) (EIB) wuxuu ku dhawaaqay inuu ku bixin doono korontada Solarka (Qoraxda) lacag dhan 25 milyan oo European doolaar ah dalalka Ethiopia, Kenya, Nigeria, Tanzania iyo Uganda. Soomaaliya kuma aanan arag liiska, ma laga yaabaa raggii raadin lahaa soo jiidashada lacagtaas inay xoogaa luf lufa u doonteen dawladaha Carrabta ee deriska nala ah? Waxaa isugu tagay dalka Ivory Coast magaala madaxdiisa Abidjan in ka badan 1600 madaxda shirkadaha ugu waaweyn Afrika iyo Dunidda kuwaas oo matalayey dalal ka badan 60 dawladood. Waxaa looga hadlay la iskuna weydaarsaday fursadaha ganacsiga eek a jira Afrika iyo sidii looga faa iideysan lahaa. Halkaa ma maqal nin madax ka ah shirkad Soomaaliyeed ama ka socda dawlada oo ka qayb galay. Ma laga yaabaa madaxdii shirkadihii Soomaalida sida uu mid walba u leeyahay canshuurta wasiir Beyle u diid, una raadso baarlamaaniyiin kuu xusul duubta in ay dhaaftay fursadii ganacsiga ugu weyneyd ee tobankan sano ee soo socda? Waxaa heshiis dhexmaray Madaxweyne Filipe Nyusi ee Mozambique iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay iska kaashadaan xaga ganacsiga macdanta, xoolaha, dalxiiska iyo khayraadka beeraha. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu heshiis kula soo galay magaalada Havana ee dalka Cuba, dhigiisa Raul Castro inuu dhaqaatiir u soo diro si loo tayeeyo caafimaadka dalka Kenya. Waxaa igu maqaal ah in Cuba ay kaga horeyso xaga caafimaadka dalka Canada iyo Mareykanka marka meeshaas xikmad ayaa igala muuqata. Dawlada Tanzania waxaa ay siisay 500 milyan doolaar ah shirkad Turkish ah lana yiraahdo Yapi Merkezi iyo Boortaqiis mid ah oo la yiraahdo Mota-Engil wadooyin isku xiri doona magaalooyinka Dar es Salaam ilaaa Morogoro (205km) iyo Morogoro ilaa Dodoma (422km). Waxaan maqlay in ay lacagtaan ka timid canshuurta laga qaaday ganacsata iyo shicibka Tanzania isla markaana aan la xadin. Ma laga yaabaa in Al Shabab ay weli dekeda liinta ka dhoofta canshuur ka qaataan? Ganacsatadeenuna maba diideen in ay wax bixiyaan? Isku taga yurub (The European Union) (EU) wuxuu u soo daayey boqolkiiba 30 ka mid ah €1.4 malyuun dawlada Tanzania si ay u horumariso soo saarka saliida geedka gabaldayaha (Sunflower Oil). Waxaa igu maqaalo ah in ay dawlada Tanzani tahay mid ka fogaatay musuqmaasuqa isla markaana dunidu ay aad iyo aad u taageerto beryahaan. Hadaba inta aad mudane Jawaari iyo mudane Khayre iyo dhamaan kooxaha kala raacsan ay u soo jeesanayaan hawshii aan u soo dooranay, ugana han weyneyn, waxaan goostay in aan idiin soo dulmaro meesha ay wax marayaan geeska Afrika. Ragaas sidii aan u higsan lahayn weli idinka ayaa shacabku idinkaga fadhiyaa. Waa mahadsantihiin. Waxaa qoray Cali Cusmaan Cilmi ccusmaan@gmail.com oo jeclaanlahaa in madaxdiisu ku mashquusho Nabad iyo Nolol isla markaana isla shaqeeyaan. Share this post Link to post Share on other sites