Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo shaacisay tirada ciidamada looga dilay weerarkii ay Shabaab ku qaaden Saldhiga Buula Mareer

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidamada Difaaca Uganda ayaa ka hadlay weeraro Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ciidamadooda ay kala kulmeen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadooda weerarkii  degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 22 ka tirsan maleeshiyada weerarka ku qaaday Saldhiga.

Afhayeenka Militariga Uganda, Richard karemire ayaa Wakaalada AP u sheegay in Afar Askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay Buulo mareer, islamarkaana Afar kale ay uga dhaawacmeen.

Richard Karemire ayaa sidoo kale sheegay in cashar ay u dhigeen maleeshiyaadkii duulaanka kusoo qaaday kadib markii ay dhexda u galeen ciidamo ku sugnaa dhufeysyo qarsoodi ahaa.

Richard Karemire, waxa uu qiray in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Ciidamadooda ay ka war hayeen kol hore, una diyaar garoobeen.

Sidoo kale,  Al-shabaab ayaa sheegay in 14 maleeshiyo ay uga dhimatay Weerarkii ay ku qaadeen Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Dhinaca kale, Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Howlgaladda Al-shabab, ayaa sheegay in 59 Askari ay AMISOM uga dileen weerar Qaraxyo iyo Dagaal toos ah isugu jiray oo Buulo mareer ka dhacay Axaddii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this