Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso magacyada Horjoogayaasha al-Shabaab looga dilay duqeyntii ka dhacday Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Diyaarado dagaal nooca aan duuliyaha laheyn ayaa duqeyn lixaad leh ka geystay deegaan hoostaga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somalia.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta oo aheyd mid xoogan lala eegtay gaadiid ay la socdeen Horjoogayaal ka tirsanaa al-Shabaab.

Horjoogayaasha al-Shabaab ee la duqeeyay ayaa maraayay nawaaxiga deegaanka Dac oo ku dhaw Magaalada Ceelbuur, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Horjoogayaasha la duqeeyay ayaa waxaa la socday Abwaano maleeshiyada u curiya Gabayada kuwaa oo gabi ahaantooda lagu dilay duqeynta.

Mursal Maxamed Xeefow oo ka tirsan Maamulkii Ahlu Sunna ayaa xaqiijiyay in Horjoogayaasha lagu dilay duqeynta ay ku jireen kuwo miisaan lahaa oo aad loo baadi-goobaayay.

Xeefow ayaa sheegay in Horjoogayaasha Shabaabka looga dilay duqeynta ay kamid ahaayen:

1- Taliyaha Jabhada weerarada qaada ee deegaanka Ceel la helay Yacquub Guuleed.

2-Horjooge Cali Maxamed Waasuge.

3- Abwaan Yuusuf Maxamed Dhagey oo Gabayada u curiya al-Shabaab kana tirsanaa.

4-Taliyaha Xisbada Gobolka Galgaduud Calas Jaango’an.

Dhainaca kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaan weli ka hadal duqeynta iyo Shaqsiyaadka looga dilay oo magacyadooda uu baahiyey Mursal Maxamed Xeefow.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this