Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar oo markii u horraysay taariikhda Gole Degaan yeelatay.

Recommended Posts

Deeq A.   

13.jpg?resize=960%2C640

Xildhibaannada cusub ee loo soo xulay Golaha Degaanka degmada xaafuun ee gobolka Karkaar oo xalay la dhaariyay ayaa maanta guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenk doortay.

Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna duqa xaafuun ayaa loo doortay,Abshir Cabdi Taangi,halka ku xigeenkiisana loo doortay,Axmed Maxammed Cabdi.

13 kamid ah 17 xubnood ee Xildhibaannada Golaha Degaanka degmada Xaafuun ayaa doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa,waxaana madasha lagu doortay goob joog ahaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland iyo maamulka gobolka Karkaar.

Golaha Degaanka cusub ee Xaafuun ayaa ah kii ugu horreeeyay ee ay yeelato degmadaasi ka tirsan gobolka Karkaar.

12.jpg?resize=960%2C640

PUNTLAND POST

The post Degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar oo markii u horraysay taariikhda Gole Degaan yeelatay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this