Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo si kulul uga hadlay afar qof oo lagu dilay Dhuudo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar  Cabdulaahi Maxamed Barre Caato oo shir jaraaid ku qabtay degmada Xaafuun isagoo ay weheliyaan madax ka tirsan wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa ka tacsiyey dilkii loo gastay 4 qof oo shalay lagu dilay meel u dhaw deegaanka Dhuudo.

Gudoomiyuhu wuxuu wacad ku maray in ay raadin doonaan dadkii gaystay dilka waxashnimada ah ee lagula kacaya dadka aan waxba galabsan, dawladuna ay qaadi doonto talaabada ku haboon.

Waxaa uu cuqaasha labada beelood ka codsaday in nabada laga shaqeeyo oo laga waynaadoo dilka dadka haldoorka ah maalin kasta la laynayo.

Maamulka Gobolka Bari iyo dowladda Puntland waxa uu ugu baaqay in ay soo dhex galaan arintaan dawrkoodana ay qaataan maamulka gobolkana kala shaqeeyaan daminta colaadaas.

Sidoo kale madaxdii goobta ka hadashay ayaa si la mid ah  baaq nabadeed diray waxayna cambaareeyeen dilkii foosha xuma ee loo gaystay dadka shaacbka ah ee dhaanka watay.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this