Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Afhayeenka Isimada Puntland oo ugu baaqay madaxweyne Gaas inuu xaqiijiyo xuduudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas inuu xaqiijiyo soo celinta xuduudihii Puntland ay lahayd oo ah masuuliyad uu qaaday markii uu u tartamayay xilka madaxtinimada Puntland.

Afhayeenka Isimada waxaa kale oo uu sheegay inaan loo baahnayd qarashka badan ee lagu khasaarinayo ciidamada la dulgeeyay Sool, haddii aysan dowladdu daacad ka ahayn soo celinta dhulka maqan.

Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa dhinaca kale maamulka Hargeysa ugu baaqay inay maleyshiyaadkooda kala baxaan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, kahor inta aan dhiig ku daadan oo aan laga qoomamayn.

Afhayeenka Isimada Puntland ayaa hadalkaan ku sheegay  wareysi uu siiyay warsidaha Puntlandi, kaidb socdaal uu maalmo dhowayd ku tagay gobolka Sool.

Halkaan hoose ka dhegayso codka Afhayeenka Isimada.

      Gaard Cabdilaahi cali .mp3sax

Puntlanid.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this