Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Afar Qof Oo Xoolo dhaqato ah Oo lagu dilay Deegaanka Dhuudo Ee bariga Gobolka kar kaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Uguyaraan Afar qof ayaa ku dhimatay halka labo qof oo kalena ilaa iyo haatan aan la ogayan nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen kadib markii Malayshiyaad hubaysan ay maanta  jidka ugaleen Gaari Booyad ah oo ka yimid Deegaanka Dhudhub kaas oo  ku sii jeeday  Tuulada Dhuudo  oo katirsan bariga Gobolka karkaar.

 

Wararka ayaa sheegaya in falkan uu salka ku hayoo aano qabiil oo udhaxaysa Beelo wada dagan  deegaankaasi oo horay ay colaadi uga dhaxaysay  .

Afarta qof ee ladilay ayaa ahaa dad Xoolo dhaqato ah .

Majirto ilaa iyo hada cid ka hadashay dhacdadan oo dowladda Puntland ka trsan , balse waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan Puntland oo ay hogaaminayaan Saraakiil Ciidan ay ku baxeen Deegaanka uu weerarkan ka dhacay .

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this