Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo bixiyay qaaraankii dhaqaale ee dhismha garoonka kubada cagta Gaalkayco ee Cawaale.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bixiyay qaaraankii dowladdu uga qeyb qaadanaysay dhismaha garoonka kubada Cawaale ee magaalada Gaalkacyo.

Lacagtaan ayaa gaaraysay 30 kun oo dollar, waxaaan sidaasi Puntlandi u xaqiijiyay guddiga dhismaha Cawaale Stadium, kuwaas oo maanta xarunta madaxtooyada lagusoo guddoonsiiyay Dukementi ama jeeg ay dhaqaalahaas ku qaadanayaan.

Madaxweyne Gaas ayaa sannadkii hore mar uu booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo waxaa uu sheegay inay dowladdu ka qeyb qaadanayso dhaqaalaha lagu dhisayo garoonka Gaalkacyo oo la qorsheeyay in dib u dhis iyo casriyayn balaaran lagu sameeyo.

Dhawaan ayaa la filayaa in rasmi ah loo dhagax dhigo dhismaha garoonka Cawaale, waxaana la filayaa inuu noqdo garoonkii ugu horeysay ee Puntland leedahay oo leh Rooga cagaaran.

Garoonka labaad ayaa la filayaa inuu noqdo garoonka kubada cagta ee Mire Awaare ee kuyaala magaalada Garowe, kaasoo dhawaan lagu dhawaaqay guddigii dhaqaale aruurinta.

29789936_10156409477784602_6030412568722

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this