Deeq A. Posted April 1, 2018 Somaliland ayaa guddoomiye u soo magacowday gobolka Cayn oo ka tirsan sagaalka gobol ee dowladda Puntland,sida lagu xusay Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi cabdi. Mustafe Cabdi Muuse Nuur oo ka tirsanaa sirdoonka qarsoon ee Somaliland u soo wiideeya (jaajuusa) hubka yaalla magaalada Buuhoodle,ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub,waxaana lagu amray in uu lacago badan halkaas geeyo,taasoo lagu kala qeybinayo bulshada reer Puntland ee gobolka Cayn. Mid kamid ah siyaasiyiinta gobolkaasi oo PUNTLAND POST la soo xiriiray isagoo ku sugan degmada Buuhoodle, ayaa sheegay in dadweynaha gobolku ay si weyn uga digtoon yihiin shirqoolka Muuse Biixi ka soo maleegayo magaalada Hargeysa iyo u jeedka loo magacaabay ninkaan. “Waxaa isoo gaadhay in Mustafe Cabdi Muuse loo soo dhiibay lacago badan islamarkaana malayshiyaad loogu soo taba-baray magaalada Hargeysa,taasna way fahamsan yihiin guud ahaan bulshada gobolka,waana ka digtoonyihiin hagar-daamada SNM”,ayuu yiri siyaasigan. Siyaasigaan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa intaas raaciyay in shakhsiga la magacaabay uu ka tirsanaa koox ka soo jeeda gobolka Cayn oo qaab sirdoon ahaana Somaliland ugu gudbin jiray xogta ciidanka iyo hubka degmada Buuhoodle,si ay xil iyo xoolaba uga helaan Somaliland. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi guddoomiye u soo magacaabay gobol Cayn. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites