Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso kiiska dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii March ee lasoo dhaafay  

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa March ee 2018 marti galisay dilal farabadan oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada.

Dilalka bishii March ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Dilalka bishii March ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan dhan 17 Dil, inkastoo ay jiraan dilal kale oo aan xaqiiq loo helin qaabka ay u dhaceen.

Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo  Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Xamarweyne iyo Wada jir .

HOOS KA AKHRISO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY BISHII MARCH

1-March 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa ayaa degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ex-control Balcad ku dil qof kamid ah dadka degaanka.

2-March 1, 2018, Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, kaa oo lagu magacaabi jiray Mingiste.

3-March 8, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada koodka ee degmada Xamarweyne ku dileen nin lagu magacaabo Muuse Mackow, oo kamid ah dadka Xaafadaas.Muuse waxa uu iibin jiray Tufaaxa iyo Muuska waxa uuna kasoo iibsan jiray Ciidamada AMISOM.

4-March 11, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ku dilay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, xili uu kasoo rawaxay howsha uu u hayay Qaranka, kaa oo lagu magacaabo Ilkacase.

5-March 15, 2018, Maleeshiyo hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaasi oo lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir, waxaana laga qaatay qorigii uu watay.

6-March 17,2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ku dilay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa odayaasha ku nool Muqdisho. Dilka Nabadoonka ayaa si gaara uga dhacay Xaafadda Taleex, xilli uu ka soo baxay gurigiisa.

7-March 18,2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa toogasho ku dishay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, oo ka howlgali jiray Wasaarada Difaaca Somalia, kaa oo uu dilkiisa ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley, waxaana lagu magacaabi jiray Yuusuf.

8-March 19,2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolad ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Towfiiq ku dilay Askari ka tirsan ciidamada dowlada.

9-March 19,2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolad ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay qof shacab ah oo la sheegay inaanu lug ku laheyn dowlada.

10-March 20,2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-shabaab ayaa degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Macalin Nuur ku toogtay Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya, xili uu ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, kaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Ciise.

11-March 25,2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoyska suuqa ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade iibin jiray Xabad sowdada, kaa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kuulow Muxumed.

12-March 27, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, ku dilay Xildhibaanada lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir oo kamid aheyd baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

13-March 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubysnaa bustoolado ayaa waxa ay xaafad ku taalla agagaarka Warshada Baastada ku dileen Askari ka tirsan ciidamada dowlada xili uu ku sugnaaHooygiisa.

14-March 29, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Toogasho ku dilay askari ka tirsanaa Militeriga Somalia xili uu jiifay Hooygiisa ku yaala Warshada Baastada, waxaana guriga ugu galay Maleeshiyaadka iyagoo dilka kadib goobta ka baxsaday.

15-March 30, 2018, Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Dhalinyarada u damaashaad taga Xeebta Liido.

16-March 31, 2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dishay Abdi Fagaase oo ahaa gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Xamarweyne xili uu ku sugnaa waaxdiisa.

17-March 31, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Xamar weyne ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Axmed oo si dhow ula shaqeynaayay maamulka Degmada Xamarweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this