Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Al-shabab oo sheegatay in 59 Askari oo AMISOM ah ku dishay Buulo Mareer

Recommended Posts

Deeq A.   

Buula Mareer (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay 59 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ah ay ku dishay weerar ka dhacay Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen 59 Askari oo Ciidamada Uganda ee ka midka ah AMISOM,waxaa kale oo jira warar sheegaya in Al-shabaab ay saaka duullaan ku qaadeen Degaannada Buulo Mareer,Qoryooley,Golwayn iyo Mashallay.

Weerarka ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay marka hore weerarka ku bilaabeen laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa,sida ay dadka deegaanka Dalsan u sheegeen.

Dhawaqa jugta qaraxyada ayaa laga maqlay deegaanka Buulo Mareer ee Shabeellaah hoose waxaana xigay rasaas ay isku ridayaan Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Al-shabaab ay saaka weerar isku xiran ka fuliyeen Gobolkaas islamarkaana hadda laga guuleystay.

C/Fitaax Xaaji Cabdulle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in weerar isku xiran ay Al-shabaab saaka ka fuliyeen Qoryooley,Mashallaay,Golweyn iyo Buulo Mareer.

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu goordhow dhamaaday islamarkaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay wali degaannadaas gacanta ku hayaan.

C/Fitaax Xaaji ayaa sheegay in labo Gaari oo kala ah Homy iyo Dyna ay ku qarxiyeen kaddibna uu ku xigay weerar jiho badan ah ku qaadeen.

“ugu yaraan 59 askari oo katirsan ciidamada saliibiyiinta Yuganaadha ayaa ku dhimatay weeraro istish-haadi iyo Inghimaasi ah oo lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin degmada Buula Mareer wixii faah faahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha’allaah ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this