Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Garoowe Oo laga Dhagax dhigay Wado laami ah Oo isku xiri doonta Wasaaradaha Dowladda Taas Oo dhismaheeda ay ku kacayso Aduun garaya 180 kun oo Doolar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wado dhererkeeda ay gaarayso 1400 oo mtr Balaceedana ay Gaarayso 7 mtr, iskuna xiri doonta Xarumaha Wasaaradaha ee Dowladda Puntland ayaa laga dhagax dhigay Magaalada Garoowe .

Dhismaha Wadadan ayaa waxaa siwada jir ah  isaga kaashanaya Dowladda Puntland iyo shacabka ,waxaana lagu dhisi doonaa Barnaamijkii iskutashiga shacabka iyo dowladda.

Dhaqaalaha ku baxa dhismaha Wadadan ayaa la sheegay in ay Gaarayso 180 kun oo doolar  taas oo ay bixisay Wasaarada Maaliyada Puntland .

Wadadan ayay Mas,uuliyiintu sheegeen in lagu soo gaba gabayn doono mudo  kayar 10 Cisho .

Dhagax dhigii  Wadadan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Maaliyada Puntland , Maamulka Degmada Garoowe  Injineero iyo qaar ka mid ah Culimada Puntland

Halkan ka dhagayso .

      Warbixinta Wadada Garoowe

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this