Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo maanta shaacinaysa jadwalka imtixaanka shahaadiga ee sannad dugsiyeedkan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo axad ah shaacinaysa jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2017/2018, kaasoo sannad walba la qabto bisha May dhexdeeda.

Masuuliyiinta wasaaradda ayaa qabandoona kulan saxaafadeed lagu shaacinayo jadwalba imtixaanka shahaadiga iyo isbedelada sannadkaan kusoo kordhay imtixaanka sida xaga waqtiga maadaama maadaama bisha Ramadaan ay isku waqti dhow yihiin iyo xaga dhaqaalaha.

Xafiiska imtixaanaadka Puntland ayaa dhawaan shaaciyay in caalamka uu hoos u dhigay dhaqaalihiii ku ku kabi jiray waxbarashada Puntland gaar ahaan xagga imtixaanada midaysan ee Puntland, inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay.

Kulan hordhac ah oo ay maalintii shalay yeesheen madaxda wasaaradda waxbarashada  ayaa looga hadlay sidii loo dar dargalin lahaa shaqooyinka ay kamid yihiin Imtixaamadka, kormeerka, iyo Manhjka. Tababarka Macalimiinta bilaha Xagaaga ah.

kulankaan oo saacado badan socday ayaa lagu xusay mid wax ku ool ah iyagoo Masuuliiyiinta Wasaaradda Waxbarashada ku balamay inay sii xoojiyaan qaab shaqeedka adeegbixinta lasiinayo bulshada islamarkaana shacabka loogu adeego si hagar la aan ah.

Waxay Masuuliyintu sheegeen inay sannadkaan adkayn doonaan qab shaqeedka adeegbixinta ay siinayaan bulshada islamarkaana si wadaniyad daacidnimo ku dheehantahay ugu adeegi doonaan bulshada ku dhaqan goobaha xarumahan Waxbarashada Gobolada iyo degmooyinka.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this