Emperor Posted September 29, 2007 Wariye Axmed Xasan Sh.Suufi (Cawke) " Waxaan dareemaa inaan imid Idaacad Xor ah oo dhaxdhaxaad ah , halka aan horey u joogay Idaacad laga sheego waxa uu jecelyahay Shaqsi cadifi ah " Kadib markii uu wariye Axmed Xasan "Cawke" oo ka mid ahaa lafdhabarada Idaacada BBC oo si toos ah ugu biiray Idaacada Codka Mareykanka ku hadasha qeybta Afka Somalia ayaa xalay Wareysi ay Idaacada VOD la yeelatay markii uu galay Studiyaha Ayaa waxaa marka hore la weydiiyey sababaha uu u doortay ku soo biritaanka Idaacadaan iyo sababaha uu uga soo tagay Idaacadii uu joogay waxaana uu yiri . " Idaacadii aan ka soo tagay waxaan dareemaayey in aanay ahayn mid xor ah oo uu wariyuhu sheegi karaa wax walbaa oo xaqiiq ah oo uu helaaa marka laga reebo in wariyaha uu sheego Siyaasada Shaqsi sida uu yiri oo la dareemi karay in uu ula jeeday Yuusuf Garaad oo hada Idaacada ku maamula Siyaasada uu aaminsanyahay ee Qaran-diidka ahi " Wariye Axmed Xasan "Cawke" ayaa wareysigiisa waxa uu kaloo ku sheegay in uu dhigi doono wacdare Xirfadeed oo qarsaneyey xiligii aan joogay Idaacada,waxaana jeclahay taagerayasheeda in ay arki doonaan karti fara badan oo muujiyaa. Mar wax laga weeydiiyey sababaha uu ugu daahay hadiibu uu aaminsanaa in meesha aan xor la ahayn waxa uu yiri . " Waxaan Aaminsanaa mar walbaa in la furi doona Idaacad Af Somali ku hadashaa oo la tartantaa tan BBCda hadana waa ay furantay oo waakan aan wada joognaa ragii cuslaa oo dadku ay ku yaqaneyn xirfad Saxaafadnimo" Ayuu yiri Wariye Axmed Xasan Cawke oo hadalkiisa sii wataa. Wariye Axmed Xasan "Cawke" ayaa noqonaya wariyihii 4-aad ee ku biira idaacada VODa ee BBCda uga tagaa dhaqanka guracan ee Yuusuf Garaad ku maamulaa BBCda,waxaana horey u tagay C/Salaan Hareeri o ahaa War aqriye ay ad u jecelyihin dhagaystayaasha Somalida iyo C/Raxmaan Yabarow oo isna ahaa Barnaamij soo saare si weyn ay dhagaystayaasha uga dabadhaceen. Intii uusan ka tagin Idaacada ayaa waxa horey u soo saadaliyey Kartooniste Amin Arts oo soo bandhigay isagoo u sii boorsa xixiranaya dhanka Washigton. Waxaaan wali la si saadalinayaa in ay ka soo tagaan BBCda wariyayal uu ka midyahay Saciid Cali Muuse iyo kuwo kale oo si weyn u diidan sida looga soo horjeeda in xaqiiqda la sheegaa. Ka tagitaanka wariyayashan Idaacada BBCiida ayaa dad badan oo Arimaha Saxaafada somalia u kuurgalaa ay rumeysanyihiin in ay keeneyso in ay BBCda oo awalaba weysay dhagaystayaal sababo Siyaasadaha gaarka ah ee ay daneyso ayaa hataan tani waxa ay noqneysaa mid ay si weyso,iyadoo hataan dhinaca kale u muuqata mid sii qoraneysa wariyaal Xirfad ahaan liita oo aan aqoon Aasaasi ah lahayn kuwaa soo tabaniya hadba waxa uu Yuusuf Garaad uga soo meeriyo London. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 29, 2007 Ouch and some defend the BBC/Somali section.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 30, 2007 it is a big blow! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 30, 2007 LISTEN TO HIM SPEAKING ABOUT THE ISSUE I think this is going to be the end of the BBC Somali section ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 30, 2007 ^I dont think so, Yusuf Garad is very smart man! i think he will like the challenge! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 30, 2007 I know Yusuf is smart but this is a really big slap on his face ....... he'll bring some ppl i know from where i already know Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 30, 2007 Saxb xagee weeye meeshaasi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 30, 2007 waa meel xagaas ah oo uu ka soo daad gureeyo uune Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted September 30, 2007 Shaqaalaha BBC-da oo hal-hal u dusaya Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 29-Sebtember-2007 Suxufi Axmed Xasan (Cawke)oo ka mid ahaan jiray Tiirarkii ay ku taagneyd Idaacada Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Boorsadiisii ka qaatay Magaalada London,isagoo ku-biiray Idaacada Laanta Afsoomaaliga ee VOA saldhigeeduna yahay Caasimada Mareykanka Magaalada Washington,kadib markii ay isku dhaceen Tifatiraha Laanta Afsoomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad. Weriye Cawke oo wareysi siiyay Idaacada VOA,ayaa waxaa laga dha-dhansan karaa hadaladiisa inuu hoos u dhac ku yimid sumcadii iyo sharaftii ay lahaan jirtay Idaacada BBC-da, tan iyomarkii uu xilka la wareegay Yuuuf Garaad. Cawke oo la weydiiyay sababaha uu ku doortay inuu ku soo biiro Idaacada VOA,ayaa ku jawaabay: "Waxan dareemaa inaan imid Idaacad xor ah oo dhex-dhexaad ah,halka aan horey u joogay Idaacad laga sheego waxa uu jecel-yahay Shaqsi Cadiifi ah", isagoo oola jeeday sida ay xeel-dheerayaashu ku doodayaan,inuu Cawke godob ka tirsanayo Madaxa Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da.Ninka lagu magacaabo Yuusuf Garaad. Mudane Cawke ayaa wareysigiisa sidoo kale ku faanay inuu dhageystayasha Idaacada VOA,u soo bandhigi-doono wacdaro aan horey loo maqal. Mar la weydiiyay sababta uu mar-hore ooga tagi-waayey Idaacada BBC-da,marba hadii uu ka warqabay inaan xornimo jirin Idaacada,waxa uu ku jawaabay Ruug-cadaa Cawke sidatan: "Waxaan aaminsanaa mar-walba in la furi-doono Idaacad Af-Soomaali ku hadasha oo la tartanta BBC-da,hadana waa ay furan-tahay oo waakan,waxaana wada-joognaa Ragii cuslaa oo ay dadku ku yaqaaneen xirfada saxaafada", ayuu yiri Weriye Cawke oo ay farxadi ka muuqato,kadib markii uu isaga soo tagay Idaacada BBC-da oo maalinba maalinta ka dambeyso sumcadii iyo kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hoos usii dhaceysa,bedelkeedana kalsooni buuxda iyo sumcad loo hayo Idaacada laga daba-dhacay ee VOA-Somalia. BBC-Somaliya waxaa horey isaga tagay Weriyaal caan ah oo aan ka xusi-karo: 1-Saciid Faarax 2-Nuur Shire Cismaan 3-Maxamed Cadoow. 4-Cabdi-Raxmaan Yabaroow Iyo Weriye Cabdi-Salaan Hareeri oo ay Soomaali fara-badan aaminsanaayeen inuu ahaa Weriyahii oogu codka macaanaa Idaacada BBC-da iyo Ruugcadaa Cawke oo isaga raacay raadkii Saaxiibkiis Hareeri. Idaacada BBC-da oo u muuqata mudooyinkan mid nalka ka sii damayo ayaa laga yaabaa inay marka dambe iskugu soo haraan Suxufiyiin xirfadooda shaqo ay aad u liidato,qaarkoodna la sheegay inaysan xitaa dugsi-sare horey u soo dhigan,balse meesha lagu keenay garab iyo inay isku Beel-yihiin Madaxa Laanta Afsoomaaliga BBC-da,waana mida maanta keentay in Aqoonyahaniin Soomaaliyeed ay talo ku soo jeediyaan in Idaacada laga bedelo magaca BBC-Somali,balse bedelkeeda loogu yeero Raadiyo Yuusuf Garaad,maadaama uu isagu ka mas,uul yahay sumcad-xumada ku timid Idaacada BBC-da oo mar ahaan jirtay Idaacada loogu kalsoon-yahay Soomaalida,intii aysan hawada soo gelin Idaacada laga dhaba-dhacay ee (VOA-Somalia). Si kastaba ha ahaatee Weriyaal badan oo aan aniga (Godo-Godo)ka mid ahay ayaa caleemo qoyan u ruxaya inuu Suxufi Cawke aaminay aqoontiisa iyo Aftahanimada uu RABBI siiyay,waxaana leenahay Hambalyo Cawke,saaxibadaa Saciid Cali Muuse iyo Cabdi-nuur Sheekh Maxamed Isxaaq waxaan leeyahay (Ragii wanaagsanaa ma idinkaa ka haray) . Top Journalist:Xuseen Yaasiin Godo-Godo Tiibo_Talyaani@hotmail.com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
LayZie G. Posted September 30, 2007 Emperor, indhahaaga fur ee fiiri sectionka aad joogtid.(General not politics) Get it? Now get going... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted October 1, 2007 Ukhti Filaah, this is general information for god's sake, the daparture of a reporter, that of a famous and talented Somali journalist who has been in the Business for almost four decades, from one Radio station to another; management/mismanagement sort of thing, what's so political about that? Just an exchange of info, plain simple. Secondly who said that political issues could not come under the General category, many present here sports events, entertainment and celebrity news, relationships, health and fitness advices etc... why not the best political event of the week such as the speech of Ahmedinajad at Columbia Uni or at the UN General Assemply. It's General meaning the true sense of the word "General", get that through your skull Miss SOL Head mistress. Ramadaan Mubaarak. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 1, 2007 Good for the BBC Somali. Having the old blood out of the system voluntary is a blessing in disguise. I say the few old newsreaders remaining should retire too- give way to younger ones. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2007 Originally posted by SheekhaJacaylka: waa meel xagaas ah oo uu ka soo daad gureeyo uune loool........xaggee? u mean koofurta? oo haddaan waqooyi laga keenin waa dagaal? Waqooyi lee in mar kasta laga keenaa ma khasab baa? I think Yuusuf waa inuu markaan keenaa qof ku hadlay Af Mayga oo weliba dhinaca digiliyomirif uu priority siiyaa. Meeshaan BBC Soomaali berigii hore waxaa dominate-garayn jirey weriyeyaal Waqooyiga ka yimid and somehow Yuusuf balance ayuu sameeyey balse weli isbeddello ayaa ka dhimman. Runtii Hereri iyo Cawke, caddoow waa weriyeyaal oo aan isleeyahay waxay ku jiraan liiska xagga ugu horreeya weriyeyaasha Soomaaliyeed, haddii ay cabasho ku tageenna waa in arrintaas ay maamulku dabagal ku sameeyaan waxna ka qabtaan. i agree in maxamuud xasan, baybuuk iyo haydara ay ahayd inay iska tagaan. I think Saciid Faarax should go as well. Waxaanse qabaa in Maxamuud Sh. Axmed Dalmar uu yahay weriye culus oo aysan BBC Somali kaba maarmin, mase hubo in la rukhseeyey iyo inuu isagu iska tegey. I agree with pragon we need young people but with quality not dadka website-yada Soomaalida qora oo kale, laakiin C/llaahi Xaaji should stay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
LayZie G. Posted October 2, 2007 Emporer, first is-dagi, and neefso. It seemed for a moment that you didn't take a breather. Secondly, that news was well publicized, no need to re-live the moment here. Its one thing to discuss the impact of his departure among his listeners etc, but to post the article again, for a moment there you made me re-live dear old boy DUKE's moments in the political section. Haven't you heard of just simply linking the url alone? If Duke has his way with BBC somalia, he would allow oday Yusuf to put his own people there, hand selection ayuu vote usameyn lahaa, aan mooday. Anyways, nabadey Emporer, don't take everything so serious. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 2, 2007 Abwaan i never mentioned waqooyi and koonfur ,, and i was not going to say that. Now u missed the point .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites