Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Garoowe Oo lagu Soo bandhigay Cilmi baaris laga Sameeyay Sida looga faa,iidaysan karo Tamarta

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Gaaroow waxaa maanta lagu soo bandhigay Cilmi baaris laga sameeyay Horumarinta  iyo ka faa,iidaysiga Tamarta oo laga sameeyay  Gobolo kamid ah Puntland.

Barnaamijkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay  Xarunta Wasarada Qorshaynta ee  dowladda Puntland , waxaana ka soo qayb galay Hay,adaha Caalamiga ah , Madaxda Wasaarada  Qorshaynta ee Puntland iyo marti sharaf kale.

Magaalooyinka Cilmi baarita laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah ,Garoowe, Bosaaso ,  Galdogob iyo Eyl.

Cilmi baaristan  ayaa waxaa ka qayb qaatay oo xogtan soo uruuriyay ilaa 800 oo qof oo ku kala sugan Magaalooyinkaasi Cilmi baarista laga sameeyay.

 

Madaxa xafiiska Hay,ada   Horumarinta Qaramada Midobay ee Puntland oo kulanka kahadlay ayaa  qiray in  Maamulada ka tirsan dowladda Fadaraalka Somaaliya  ay tahay Puntland maamulkii ugu horeeyay ee Cilmi baarista noocan ookale ah sameeyay.

 

Wasiirka  Wasaarada Qorshaynta   iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland  ayaa sheegay in ay arintan Puntland Muhiimad gaar ah ay u leedahay  , wuxuuna intaasi kudray  in uusan dalna horumar gaarikarin hadii uusan tamarta uu haysto  uusan ka faaiidaysan .

Halkan ka dhagayso .

      warbixinta kulanka wasaarada Qorshaynta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this