Deeq A. Posted March 31, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex annaga oo ah ayaan ka amba baxnay Berbera. Peter* oo Swiss u dhashay iyo Patrick oo Belgium ah ayaan wada soconnaa. Qorshaheennu waa in aan caawa u hoyanno Burco. Shiikh ayaan sii mari doonnaa. Burco marka aan tagno waxaan xog wareysan doonnaa in waddada Oodweyne ay nabad tahay oo gaari lagu tegi karo. Haddii aan loo qaateen ka helno jawaab haa ah, waxaan damacsan nahay in aan Madaxa ICRC weydiisanno oggolaasho aan ku tagno Oodweyne. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee dhaulka aan ku safarno meel ka baxsan Gobolka Awdal. Waxaan baqdin weyn ka qabnay miinada lidka baabuurka ee waddada la geliyo. Cabsi iguma yareyn. Wuxuu ahaa safar aan aad u dheereyn laakiin welwel badan. Ilaaheey Burco wuxuu na nabad geeyay goor galab-gaab ah. Fiidkii war waxaa naga daba yimid ah in Qoyta oo galabta aan soo marnay lagu gubay baabuur militeri oo in yar naga dambeeyay oo isaguna jihada Burco u soo socday. Waxaan u fahamnay in aan galabta sigannay. Waxaase nooga baqdin badneyd soo laabadka sida aan waddadaas ku mari doonno. Burco Burco waxay ahayd magaalo aad u burbursan. Waddooyinkeeda toos toosan ee dhaadheer ee cidlada ah waxaa la iigu sheegay in ay miino dhex filiqsan tahay. Waxaa kale oo la ii sheegay in hub kale oo aan weli qarxin uu meelaha qaar yaallo ama ku aasan yahay. Sidaa darteed kuma dhex wareegi karin magaalada. Aniga oo aan laamiga ka leexan ayaan waddooyinka dhaadheer aan ka soo qooraansanayay baabuurkeyga dhexdiisa. Meelaha qaar waxaan taagnaa in door ah bal in aan dad uga jeedo xaafadaha dhexdooda. Waxaa jiray meelo aad u kooban oo haddana teel teel ah oo ciidan, hey’ad dowladeed ama makhaayad iyo laba ah oo dhammaantood si teel teel ah ku soo jeeda waddada laamiga ah. Halkaas ayaa ahayd meesha yar ee astaan nololeed aan ku arkay. Inta yare ee magaalada jooga waxay badankood degganaayeen waddada dhanka Caynaba ka timid haddii aad ku joogto oo aad hore u sii dhaafto waddada Shiikh ka timid xaafadda yare ee dhanka midig kaa qabaneysa ee Isgaarsiintii hore ee magaalada iyo hey’ado Dowladeed ay ku yaalleen. Marka aan fursad u helay in aan magaalada gudaha u galo waxay ahayd mar aan raashin ku qeybineynay meel magaalada ka mid ah oo aan sii marnay waddo hore loo sahmiyay in la mari karo. Sawir aanan illoobeyn oo indho xumo ah ayaan galabtaas kala kulmay goobta oo markii gabbalku sii dhacayo aan joojinnay howsha. Saboolnimada aan Rabbaani ahayn ee ay colaaddu dadkaas badday ayaa i damaqday. Xagga dadka magaalada jooga waxaad moodeysay in ay dhaanto Hargeysa. Beryahaas waxaa Radio Muqdisho laga sheegi jiray in dadkii ka qaxay Hargeysa iyo Burco ay billaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Ma ogi dadka aad u tirada yaraa ee aan arkay in ay ahaayeen dad ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee daanta kale ee soohdinta Ethiopia ku yaalla. Waxaad ka qiyaas qaadan karnaa dadka aan ku aragnay Burco in ay ahaayeen dad qiyaasteyda ka tiro yar dadka aan kula kulannay Tuulada yar ee Beer. Xogta waddada Odweyne ee aan helnay waxay ahayd in aan gawaaridu mari karin oo ay miineysan tahay. Xaaladda waxaa uga sii daray ciidan ka goostay Burco iyo ciidan laga daba-diray oo daryaanka hubka ay isla dhacayaan oo sii fogaanaya aan maqleynay habeenkii koowaad ee aan Burco nimid. Badiyaa ciidan qabiil isku bahaystay oo doonaya in ay ku biiraan Jabhadda USC ayaa beryahaa dhowr jeer ka goostay ciidanka Xoogga Dalka. Hargeysa guuto dhan oo Taangiya ah ayaa intoodii badnayd ka goosatay. Burco iyo meelo kalena ciidammo ayaa mid mid iyo koox kooxba uga goostay. Beer Subixii xigay waxaan aadnay tuulada Beer oo Burco Bari uga beegan laamigana aan ka fogeyn. Tuuladaas waxaa ku sugnaa dad badan oo qaarkood la yiri waxay ka soo laabteen xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaallay Ethiopia. Tuuladu dad ahaan aad ayay u cammirnayd. Qaadkeeda dad ka badan ayaa joogay. Qiyaasteyda dadka aan Burco ku aragnay waxaa ka badnaa dadka ku sugnaa Beer. Waxaa kale oo dadka Beer aan ugu tagnay aan ku arkay cabsi la’aan in ay nooga warramaan dagaalka ay tuuladu aragtay. Tuulada ayaa nala dhex marsiiyay oo nala tusay xabbad weyn oo nooc gantaal u eg ah oo aan weli qarxin oo meel bacaad ah dhex taalla. Waxay nooga warrameen oo kale xaaladda aadminnimada ee meesha ka jirta. Burco ayaan markii dambe ku laabannay. Fool-ka-fool Maalintii dambe waxaan billownay safar aan dib ugu laabanayno waddada Shiikh. Waxaan istaagnay Qoyta oo aan Shaah ka cabnay. Waa tuuladii lagu qarxiyay baabuurka ciidanka. Ka dibna raggii meesha fadhiyay markii aan is wareysannay waxaan si xushmad leh uga codsannay in tuulada dadka ku sugan ay isu soo baxaan si aan uga warranno socdaalkeenna. Dad badan ayaa markiiba isu soo baxay meel waddada dhinaceeda ah. Halkaas ayaan ugu warbixinnay hey’adda Laanqeyrta Cas howlha ay ka waddo degaanka. Waxaan u sheegnay in joogitaankeennu uu ku xiran yahay oggolaashada Dowladda ka sokow, in shacabku uu raalli ka yahay howsha aan ka wadno degaankooda. Waxaan u sheegnay haddii ay cabasho ama diidmo jirto in aan diyaar u nahay in ka dhegeysanno. Waxaan ka codsannay in ay na nabad geliyaan, howsheena ay gacan nagu siiyaan inta karaankooda ah. Ballanqaad ayaan helnay. Markii ay dadkii sii kala tegayaan ayaa nin ii yimid oo igu yiri ma kula faqi karaa? Haa ayaan ku iri. Garabka ayuu i qabtay oo dhinac iila baxay. Wuxuu yiri waxa aad ka hadleyso waan garanayaa. Gaarigii ciidanka halkaan lagu gubay ayaad ka hadleysaa. Waxaan kuu sheegayaa, ayuu yiri, in aynaan idinka duullaan idinku ahayn. Waan idin naqaan markii aad galab dhoweyd halkaan mareyseenna waan idin arkaynay. Gaariga la gubayna wax badan idinkama dambeyn. Ragga gaariga gubay waad soo ag marteen waxna idiinmay yeelin. Idinka oo aan baqdin naga qabin howshiinna wata. Hadal cad ayuu igula hadlay. Xataa umaan baahanayn in aan weydiiyo cidda uu metelo. Waan u mahadceliyay, kana dhaqaaqay. Halkaas ayaan safarkeennii ka sii wadannay. Ilaa aan Berbera u hoyannay isla maalintaas. W/Q. Yuusuf Garaad Share this post Link to post Share on other sites