Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Taliska Booliiska amniga gobolka Nugaal oo sheegay in lasoo qabtay gaarigii laga dhacay Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare Faarax Warsame Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyay in lasoo qabtay gaarigii todobaadkii laga dhacay Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo katirsan culimada Puntland ahna guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika faraceeda Garowe.

Taliyaha ayaa sheegay dableyda dhacay gaariga inay isku hayb ahaayeen Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, kuwaas oo uu sheegay inay u dhaceen sababo dhaqaale awgeed, balse markii dambe lagu guulaystay in laga dabo oo lasoo qabto Gaarigii iyo maleyshiyadi falkaas ka dambeeyay.

Waxaa uu taliyuhu sheegay inaanu jirin wax dhibaato ah oo Sheikha iyo ilaaladiisa soo gaaray, isagoo intaas ku daray in isla subixii gaarigiisa loosoo celiyay, isagoo bad qaba.

Halkaan ka dhegayso codka taliyaha.

      Taliye Faarax

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this