Sign in to follow this  
Deeq A.

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Halgamaa, Korneyl Abshir Muse Siciid oo Xalay ku geeriyooday London

Recommended Posts

Deeq A.   

abshir_muuse-527x300.jpg
Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN.

GEERIDU WAA XAQ.

GEESI NAGA BAXAY BUU AHAA.

Allaah ha u naxariistee waxaa xalay oo Jimce aheyd taariikhduna 30.03 2018 ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska Korneyl / Eng Abshir Muse Siciid.

Allaah ha u naxariistee Korneyl Abshir Muse Saciid ayaa ahaa geesi iyo halgamaa weyn oo taariikhdu xusi doonto oo ka baxay guud ahaan ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

Allaah ha u naxariistee Korneyl Abshir Muse Siciid ayaa soyaal,raad aan duugoobin iyo saameyn weyn oo togan ku lahaa xayaatada ama noloshii iyo geedigii siyaasadeed, midkii halgan, midkii ciidan iyo midkii maamul wanaag iyo wax qabad ee ummada Somaaliyeed soo martay 50 sano ee ugu dambeysay.

Korneyl Halgamaa Abshir Muse Siciid ayaa lagu xusuusan doonaa doorkiisii muhiimaka ahaa ee uu kaga midka mu’asasiintii iyo hogaamiyaayashii halgankii wax iska caabinta ahaa ee Jabhadii Badbaadinta Ummada Somaaliyeed ee SSDF kala hortageen taliskii Milataryiga ahaa ee Kacaanka.

Sidoo kale Halgamaa Abshir Muse siciid ayaa lagu xusuusan donaa doorkii hurmuudnimo ee uu ku lahaa, hal abuurkii, asaaskii iyo dhisamaha maamulka siyaasadeed ee Dawlada Puntland,kaas oo shacbiga iyo deegaanada Puntland looga badbaadiyey aafooyinkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadihii sagaashameedyadii kadib markii ay burburyay ee meesha ay ka baxday Dawladii dhexe ee Somaaliyeed.

Allaah ha u naxariistee Eng.Abshir Muse Siciid ayaa lagu xusuusan donaa waxqabadkii iyo horumarkii uu ku soo kordhiyey Wakaladii Xooga Koronta Ummada ee ENEE, oo uu ka soo noqday Maareeye guud, iyadoo dhaxalkii iyo hantidii qaranka ee uu gacanta ku hayey kadib burburkii dawlada dhaxe ay Allaah mahdii maanta weli si fiican oo habsami ah ugu adeegaan shacabiga somaaliyeed deegaan badan oo dalka ka mid ah.

Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse Siciid ayaa dadka aadka u yaqaaney ku sifeeyeen in lagu xusuusan donaa inuu ahaa Shakhsi Cibaado badan, Somaalinimada iyo wadaninimadu ay aad ugu weyneyd, bulshaawi ah oo dad isku wadida aad ugu fiican.

Sidoo kale Abshir Muse ayaa ahaa Siyaasi hal adeyg u dhashay, oo ku dhac siyaasadeed lahaa, cod kar ah, isla markaan ahaa geesi aan goroda u laa-laadin, dariiqana uga beyrin wax isaga ka liita.

Fiiro gaar : waxaanu gadaal kasoo gudbin donaa Taariikh nololeedkii Marxuumka oo dhameystiran.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo aad uga tiiraaneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse Siciid Tacsi u diraynaa qoyskii, ehelkii iyo guud ahaan Ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland in Allaah samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaani sidaa si la mid ahna Marxuumka Allaah uga baryeynaa dembi dhaaf iyo naxariis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this