Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilchibaanada Federaalka oo isu hub arursanaya iyo Xaalada oo cirka isku shareertay

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuqa siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hada gaaray meshii ugu saraysay.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaan heysan tiradii ay ku ridi lahaayeen Gudoomiye Jawaari, taasina waa mida isjiidjiidka keentay iyo iney fooda galin waayaan Baarlamaanka maadaama aysan heysan Tiradii sharciga ahayd.

Kulamadii maanta dhici lahaa ayaa gabi ahaan baaqday sababtoo ah waxaa laga cabsi qabaa in xildhibaanada fooda isdaraan oo ay dagaalamaan waayo kooxda Mooshinka wadaa waxay doonayeen in kulanka maanta uu ajanduhu ahaado Mooshinka lafa keenay Gudoomiyaha isla markaasna uu shir gudoonsho Gudoomiye Xogeenka Kowaad maadaama dacwo ka taal Gudoomiyaha, laakiin Gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisu way diideen in taas ay dhacdo.

Dadaalo tan iyo shalay socday ayaa la isla gartay in la baajiyo kulamadii maanta dhici lahaa ka dib markiib Madaxweyne Farmaajo soo jeediyey in maanta uusan wax kulan ahi dhicin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhawayd la hadlay saxaafada ayaa cadeeyey in kulamadii maanta ay baaqdeen.

Puntlandi
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this