Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Jawaari oo faahfaahiyay sababta loo hakiyay kulankii Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo Baarlamaanka oo goordhow Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay baaqashada Kulankii Mooshinkiisa lagu soo bandhigi lahaa.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in arintaasi ay tahay codsi ay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo islamarkaasina uu ka aqbalay in la baajiyo kulankaasi.

Waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulan dhexmaray isaga iyo labadiisa ku xigeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaan la kulanay madaxweyne Faramajo waxana ka codsanay in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka anaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ” ayuu yiri Jawaari.

Waxaa maanta hakad uu ku yimid kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in codka kalsoonida loogu qaado Guddoomiye Jawaari codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo lamana oga halka xaaladaan ay ku dambeeyn doonto.

Hoos ka Daawo Video-ka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Guddoomiye Jawaari oo faahfaahiyay sababta loo hakiyay kulankii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this