Duufaan Posted March 30, 2018 Heshiisyo dhex maray Soomaaliya iyo Pakistan Mar 30, 2018 - jawaab Dowladda F. Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha. Kulan caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha siyaasadda dibedda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen. Nasser Khan Janjua, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo adkayn lahaa xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan. Gen. Nasser Khan Janjua, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Waddan leh fursado wanaagsan oo qani ah, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyo badan oo mudan in laga faa’iideysto. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga labada Waddan, gaar ahaan Ganacsiga, horumarinta kheyraadka aadanaha, Difaaca iyo sugidda ammaanka dalka Soomaaliya, iyagoo si isku mid ah u ballanqaaday inay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada lagu heshiiyay. Danjiraha Somaaliya u joogta Dalka Pakistaan, Khadija Mohammad Al-Makhdoomi, oo kulanka qayb ka ahayd ayaa soo dhoweysay iskaaashiga iyo heshiiskan Taariikhiga ah ee dhex maray Labada dhinac, waxayna sheegtay inay Pakistan leedahay awood weyn oo wax looga qabto arrimaha amniga gudaha, iyadoo ay Soomaaliyana dooneyso inay wax ka barato Khibraddeeda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted March 30, 2018 Bakistan waxay kufiicantahay dhinaca IT, waxay kacaawin kartaa soomaaliya National ID iyo wixii lamida. Waxay kaloo kufiican yihiin soo saarida gaasta iyo macdanta. Quote Share this post Link to post Share on other sites