Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo kala diray guddigii uu u xilsaaray khilaafka golaha shacabka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku kala direen gudigii Aqalka Sare ee loo xil saaray xalinta khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Tilaabadaan ayaa loo qaaday kadib markii uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhex aloosan barlamaanka aqalka hoose, taasoo aan waxba kasoo nasoo cadaan dadaalada kala duwanaa ee aqalka sare uu waday.

Warar kale ayaa sheegaya in lagu kala diray kadib markii lagu eedeeyay inay ku dhex milmeen khilaafka golaha shacabka dhexdiisa ka jira ayna meesha ka baxday dhex dhexaadnimadii iyo kalsoonadii lagu qabay, iyagoo dhinac gaar ah la saftay.

Ka hor inta aan la kala dirin guddigaan, saddex kamid ah oo uu ku jiro Cabdiqeybdiid ayaa iska casilay xubinamadii ay guddigan ka ahaayeen sida ay ku sheegeen shir jaraai’d oo ay qabteen.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this