Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabab oo shaaciyay magaca iyo Qabiilka Ninkii isku qarixyay Sayidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii isku qarxiyay weerarkii Isgoyska Sayidka ee Axaddii la soo dhaafay.

Ninka weerargaas geystay ayey Al-shabaab Magaciisa ku sheegeen Cali Xasan C/Raxmaan Khaalid kaas oo ka soo jeeda Beesha Boqol Hore ee degta Gobollada Baay iyo Bakool.

Idaacadda Al-shabaab ee Andalus ayaa waxaa ay baahisay wareysi ay ka qaadday Ninkaas ka hor inta uusan isqarxin,waxaana uu Wareysigaas kaga sheekeeyay sida uu u arko falka uu ku dhaqaaqayo.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer soo bandhigtay Magacyada iyo Qabiillada xubnaha ka tirsan ee fuliya weerarrada isqarxinta ah ama kuwa lagu galo Hoteellada iyo Xarumaha dowladda Federaalka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this