Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Warbaahinta Puntland oo ka tashanaya in go’aan laga qaato wararka sida tooska ah looga tebiyo baraha bulshada.

Recommended Posts

Deeq A.   

large.jpeg

Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, ayaa markii ugu horeysay sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan dhacdooyinka sida tooska ah looga tabiyo Facebook, kadib markii ay saameyn ku yeesheen xiisaha wararka iyo qaladaad badan oo xagga tifatirka ka yimaada.

Guddoomiyaha Mohamed Daahir Caynsane ayaa sheegay warbaahinta laftoodu inay khasaare weyn ugu jirto inay wararkooda kusii horumariyaan baraha bulshada, taasoo uu ku tilmaamay inay ku luminayaan dhageytayaal iyo daawadayaal badan oo sugi lahaa wararkooda.

“Saakay haddii aan warkaagii ka daawaday live Book-gaaga, wax macno ah iima sameynayo inaan horfariisto Tifiigaga ama idaacadaada, sababtoo ah war la qabo xiiso ma leh, weriyayaashana waan ku wacyi galinay inay joojiyan dhaqankaan, si uu wararkooda xiiso ugu yeesho,” ayuu yidhi guddoomiyaha MAP oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha.

Guddoomiyaha ururka MAP. Mohamed Daahir Caynsane ayaa dhinaca kale sheegay inay bisha soo socota ee Abril qaban doonaan shir looga hadlayo saaamaynta baraha bulshada ku hayaan warbaahinta caadiga ah iyo anshaxa weriyayaasha isticmaalkooda barahaas.

“Saxafigu labo qof ayuu kala yahay, marka uu xaruntiisa warbaahineed kasoo hadlayo si wanaagsan oo anshax leh ayuu dadka ugusoo warramayaa, balse marka uu soo fariisto Facebook waxa uu noqdaa qof kale oo waxa uu doono ayuu soo qoraa,” ayuu yidhi Maxamed Caynsane.

Berrito waxaad Facebook-ga kusoo qortid iyo anshax darrada aad muujisid sida ay saameyn ugu yeelandoonto kalsoonida laguugu rumaysan karo, ayaa ka doodidoonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Abdiweli Mohamed Sheikh

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this