Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jeesow “Mooshinku waa Sharci mana burburin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan xildhibaanada wada Mooshinka Gudoomiye Jawaari ayaa ka wajaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaano Xalay ku shegay Muqdsho oo sheegay in uu buray mooshinkii Jawaari.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in hadalkaasi ay sheegeen in xildhibaanadu uu yahay mid xaqiiqda iyo xeer hoosaadka ka fog isaga oo ku eedeeyay in ay doonayaan in Baarlamaanka ay burburiyaan.

Waxa uu sheegay in xildhibaanadaasi tiradooda ay tahay 30 Xildhibaan dartood aanu Baarlamaanka u burbureynin isaga oo sheegay in la iska qaban doono.

Waxa uu sheegay in Mooshinkaasi uu yahay sharci islamarkaasina lagu kala bixi doono fadhiga Baarlamaanka.

Hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada wada mooshinka Jawaari iyadoo Xalay Xildhibaano kulan ku yeeshay Muqdisho ay sheegeen in Mooshinkaasi uu burburay.

Hoos ka Dhageyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Cod-2-Cowke-.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho

 

The post Xildhibaan Jeesow “Mooshinku waa Sharci mana burburin” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this