Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi ka tirsan Mucaaradka Kenya oo mar kale laga eryay dalka & Xiisad ka taagan eryidiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa mar kale Musaafurisay Miguna Miguna oo ka tirsan mucaaradka Kenya, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka talaabay  xadka Siyaasada.

Miguna Miguna, oo lagu murunsan yahay dhalashadiisa ayaa markale dalka laga masaafuriyay, waxa ayna dowladu ku eedeyneysaa inuu ka weecday xeerka Siyaasada Mucaaradka.

Masaafurintaas ayaana timid iyadoo la iska dhago tiray amarro ay maxkamado soo saareen, waxa uuna Siyaasigaani ku adeegayaa inuusan ka dhamaan doonin dalkiisa Kenya.

Galinkii hore Arbacadii maxkamad ayaa mas’uuliyiin sare oo Kenyan ah u qabsatay in ay diideen amar maxkamadeed oo ahaa in la sii daayo Miguna.

Qareenka Miguna ayaa xaqiijiyay in uu dalka ka baxay isaga oo raacay diyaaradda Emirates oo Nairobi ka duulaysay, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo Isniintii.

Ninkan mucaaradka ah ee aan hadalka la gaban ayaa la xiray ka dib markii uu damcay in uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo Canada ka yimid, halkaas oo loo masaafuriyay bishii hore.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Uhurro Kenyatta ayaa doorashada kadib lasoo baxday awoodo ay ku cadaadineyso mucaaradka dalka, waxaana marka la eego eryinta ugu sahlanaaday Miguna Miguna oo heysta dhalasho Canada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this