Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia oo balanqaaday inuu si gaar ah ula shaqayndoono Soomaalida Ethiopia.

Recommended Posts

Deeq A.   
1024x576_449583.jpg

Abiyu ahmed

Raisal-wasaaraha cusub ee dalka Dr. Abiyu Ahmed ayaa khudbad muhiim ah oo uu doorashadii kadib kajeediyay golaha dhexe ee xibsbiga EPRDF hortiisa wuxuu kusheegay inuu sii xoojinayo jihooyinka siyaasadeed, horumarineed, nabadgalyo, maamul suuban iyo dimuqraadiyadeed ee uyaalay xisbiga EPRDF.

Dr. Abiyu Ahmed ayaa carabka ku adkeeyay inuu sigaar ah ulashaqayn doono deegaanka Soomaalida itoobiya gaar ahaan gudoomiyaha Xisbiga Demoqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) ahna afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale, warbixin uu soo jeediyay xisbiga Ismaamulka Oromiya ee OPDO ayaa waxay ku canbaareeyeen dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Awaday iyo galbeedka Hararge ee deegaanka Oromada iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin.

Ugu danbayna hogaaminta XDSHSI oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI iyo xukuumada deegaankuba waxay goobtaas ugu hambalyeeyeen islamarkaana qoraalkan ugu hambalyaynayaan gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF loo doortay oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan u ah raisal wasaaraha cusub ee dalka.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this