Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro ka dhashay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax ka dhacay wado xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo xiliga uu Qaraxa dhacaayay kusii jeeday howlgalo.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inay aaseen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Khasaare dhaawaca ah ayaa soo gaaray Ciidamada qaraxa lala eegtay, ilaa Shan Askari ayaa dhaawacmay, halka ku dhawaad afar kalane ay ku dhinteen Qaraxa.

Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili Ciidamada Dowladda Federaalka ay shalay Gobolka Hiiraan ku soo bandhigeen Saanad Millitari oo ay sheegen in ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen ururka Al-shabaab.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this