Jacaylbaro Posted October 21, 2007 Xukuumadda waddanka Afghanistan iyo dhammaan qolyaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaanay u suuro galin in ay hor istaagaan caado dhaqameed ku baahday dhammaan dalka Afghanistan, taasoo ah in la isku guuriyo Carruur da’doodu aad u yar-yar tahay. Laba Maalmood ka hor ayaa waxaa la isku guuriyay Sanaam oo ah gabar yar oo 3-sano jir ah iyo uu Adeerkeed dhalay oo isna lagu magacaabo Naciim oo isna da’diisu tahay 7-sanadood, waxaana goobtii Nikaaxa ka soo muuqatay gabadhan yar ee Sanaam oo xiran Surweel midabkiisu Dahabi yahay iyo toob yar, halka Ninkeeda yar ee Naciimna uu xirnaa dharka Hidaha iyo Dhaqanka waddanka Afghanistan. Inantani yar ee saddex sano jirka ah oo aan iyadu ka warqabin in waqtigaasi loo guurinayay Naciim oo iyada ka weyn Afar Sanadood ayaa waxa ay Xafladdii Nikaaxa oo dhan uga baxday in ay la ciyaarto ninkeeda da’da yar iyadoo wehlinayso saaxiibteed. Caruuskani yar ayaa xafladdii kaddib la istaagay Caruusaddiisa cusub si looga qaado sawir xusuus ah, halka Sanaam oo ah caruusaddiina ay soo beddeshay dharkeedii, soona xiratay dharka Cad-cad (Taajka) ee loogu talo galay Aroosadda iyadoo xiran Koofi yar, gacmahana ku wadda xoogaa Fiyoore gacan ku sameys ah, waxayna billowday sida iyadoo metelaysa kaalinta Aroosad Caruuskeedii hortiisa, iyadoo aan ka war qabin in Ehelkeedii ay Nolosheedii u hibeeyeen Naciim. Sanaam oo kaddib aan wax hadal ah bixin ayaa waxaa horey u sii raacay Aabeheed Pervez oo ku qanacsan in gabadhiisa uu u guuriyo inanka uu Adeerkii dhalay ee Naciim. Hay’adda UNICEF ee qaabilsan horumarinta Carruurta ayaa tirakoob ay dhowaan soo bandhigtay waxa ay ku caddeysay hoos u dhaca dhaqaale ee isa soo taraya waddanka Afghanistan ay keentay in inta badan la isku guuriyo carruurta aadkau da’yar, halka 16% carruurta is guursanaysaa ay da’doodu ka hooseyso 15-sano. Cajiib Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted October 21, 2007 Maxay ku nuugtaa maxaysi ka nuugtaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted October 22, 2007 Talk about arranged marriage...Bisinka, weyba waasheeney... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Pucca Posted October 22, 2007 short translation would be greatly appreciated. Thank you. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 22, 2007 Originally posted by Hunguri: Maxay ku nuugtaa maxaysi ka nuugtaa! looooooooooooooooooooool I think way is camcamisaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 22, 2007 waryaa dhaheen xishooda, waa idin sidee! Quote Share this post Link to post Share on other sites