Deeq A. Posted March 28, 2018 Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo maanta ka hadlay bandhig ku saabsan shaqooyinka oo Garoowe laga daah-furay, ayaa dowladda Puntland iyo shirkadaha ganacsiga ugu baaqay in ay sameeyaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo mustaqbalka dhalinyarada waxbartay ee shaqo la’aanta. Mudane.Cali Xaaji oo soo xiganaya diraasad laga sameeyay heerka shaqo-la’aanta ka jirta degaannada Puntland,ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ee waxbartay 30% keliyah ay shaqeeyaan,isagoo da’yarta ku dhiirri-geliyay in aysan marnaba yasin shaqooyinka hoose ee lagu meel-gaaro. Siyaasigaan ayaa sidoo kale dhalinyarada ku boorriyay in ay hirgeliyaan hal-abuur ganacsi,si ay shaqo-la’aanta uga baxaan,taasoo uu sheegay in aanay ku xirneyn lacag badan,balse ay u baahantahay ka go’naan shakhsi. Dhinaca kale Cali Xaaji ayaa ka digay,in haddii aan dhalinyarada shaqo-abuur loo samayn ay halis weyni ka imaanayso,islamarkaana ay ka faa’idaysan doonaan dhinacyo kale ama ay badda ku dhammaanayan. “Waxaan idiin sheegaya,waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa,miinadaas meel ay nala aadayso ma naqaan. Ma badda ayey ku dhammandoonaan? Ma cid kale ayaa ka faa’idaysan doonta?” ayuu yiri Xaaji. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Cali Xaaji Warsame”Waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa” appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites