Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey Oo Mudo kordhin usamaysay Xafiiska UNSOM Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ay ku yeesheen  dalka Maraykanka Golaha Amaanka ee  Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ku meel mariyeen waqti  kor dhinta loo sameeyay  Xafiiska Siyaasada ee jimciyada Qurumaha ka dhexaysa ee UNSOM.

Golaha ayaa isku raacay in muddada uu Xafiiska uu shaqaynayo lagaarsiiyo ilaa iyo 31 bisha March 2019 ,siloo dar dargaliyo howlaha Xafiiskaasi uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Barnaamijyada hor-umarineed ee Hay,adaha Dastuuriga ah ee dalka .

Soo jeedinta Qaraarkan ayaa waxaa lahayd dowladda Ingiriiska maadama Xafiskan shaqadiisa ay ku ekeed sanadakan 2018ka,balse waxaa muuqatay in ay jirto baahi looqbo in Xafiiskan mudada loo kordhiyo si loo dhamaystito howlaha harsan.

kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu amaanay dowladda Soomaaliya  dadaalada ay samaysay .

Xafiiskan siyaasada ee Qaramada Midoobay ee  UNSOM  ayaa waxaa loogu talagalay in dowladda uu ka  taageero  dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha,  Dibudiska iyo dib uheshiisiinta dalka , waxaana Xafiiskan la Aasaasay sanadkii 2013kii.

Puntlandi.com .

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this