Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Oo Muqdisho Shir Muhiim ah ku daah Furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir gudoomiyay shir ku saabsanaa tubta hor-umarinta Adeegyada Bulshada iyo habka ay iskla jaanqaadi karaan shaqaalaha Wasaaradaha dawladda ,si adeeg hufan loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

kulankan ayaa daba socday kulan ay dhawaan yeesheen gudiga farsamada ee dowladda Soomalaiya , waxaana diirada lagu saaray Barnaamijyada  lagu hormarinayo arimaha Bulshada ay ubahantahay.

 

Wasiirada ayaa mid mid loo waydiiyay in ay ku qanacsanyihiin Qorshayaasha ay soo gudbiyeen , waxana wasiirada ay farta ku fiiqeen baahiyaha jira iyo sida ay suurtagal utahay in siwada jir ah loo wajaho caqabadaha  Bulsheed ee shacabka haysa , taas oo Xukuumada looga fadhiyo in ay wax ka qabato muqtaqbalka dhaw.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka  mudane Guuleed ayaa sheegay in jadawal hooleedka isla xisaabtanka uu yahay  geedi socodka lagu fudu deenayo lasocdka shaqada ku qeexan tuba horumarinta Arimaha bulshada  oo ay wada leeyihiin Hay,adaha qaybta ka ah iyo Gudi howleedka golaha Wasiirada ee arimaha Bulshada uxilsaaran.

 

Xafiiskan Ra’iisulwasaaraha ayaa si joogta ah ula socon doonaa xaqiijinta iyo daba galka in qorshe howleedkii bulshada ay uqabsoomeen sidii loo baah naa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this