Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Waa kuma Hogaamiyaha Cusub Ee lafilayo in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xilka iska casilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Xayla Maryam Deseliin ayaa waxaa Xisbiyada  Siyaasadeed ee  dalkaasi  ay wadeen olole ay ku soo xulanayeen  Hogaamiye cusub oo Xisbiga talada haya ee dalkaasi hogaamiya.

Xisbiga Talada haya ee dalkaasi Itoobiya oo Marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan EPRDF  ayaa Abiy Ahmed waxa ay u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya.

Ninka ayaa ahMuslim ,balse Hooyadiis ayaa waxaa la sheegay in ay haysato diinta Kiristaanka,waxaana uu ka soo jeedaa Qoomiyada Oromada.

Ninkan ayaa lo badinayaa  in uu noqon doono hogaamiyaha dalkaasi , waxaana doortay 180 xubnoo oo ka kala tirsan Xisbiyada dalkaasi Itoobiya kuwaas oo kala ah

Xisbiga Oromada , Amxaarada, Xisbiga koonfurta Itoobiya ,iyo Xisbiga Tigreega.

Hadii uu ninkan ku guulaysto in uu talada dalkaasi qabto  waxa uu noqonayaa Ra’iisal wasaarihii  ugu horeeyay ee dalka Itoobiya oo Muslim ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this