Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo waqtiga loo kordhiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay joogitaanka howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo la gaarsiiyay bisha March, 2019.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada howlgalka QM ee Soomaaliya ee taageerada hannaanka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo helitaanka doorashooyin loo dhan yahay, lagu kalsoonaan karo oo hufan.

Waxaa kale Goluhu uu codsaday taageero joogto ah oo ku aaddan dadaalka Dawladda ee hirgalinta Istaraatiijiyadda Qaranka iyo Qorshaha Ka hortagga iyo La Dagaalanka Xagjirnimada si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya ee looga hortago lagana hor-tago argagixisanimada.

Golaha ammaanku wuxuu si xoogan u cambaareeyay weerarada Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin midkii- 14-kii Oktoobar 2017 iyo kii 23-kii Febraayo 2018, wuxuuna cadeeyay inuu ka welwelsan yahay hanjabaaddaha argigixisada.

Waxaa kale oo goluhu walaac ka muujiyay joogitaanka kooxda Daacish iyo shakhsiyaadka xiriirka dhow laleh.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this