Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Laamaha amniga gobolka Bari oo amar kusoo rogay gaadiidka dadweynaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Puntlandi) Taliska booliiska gobolka Bari ayaa amar kusoo rogay gaadiidka Takaasida ah ee ka dhex shaqeeya magaalada Bosaso, kuwaas oo ah baabuurta ugu badan oo ay isticmaalaan shacabka Bosaso.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle dhexe Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkaan iyo dadka wataba macluumaad badan laga diiwaan galindoono, si hadda kadib loo kala aqoonsado.

Amarkaan lagusoo rogay gaadiidkan, ayuu taliyuhu sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe lagu adkaynayo ammaanka magaalada Bosaso lagulana dagaalamayo gaadiidka aan diiwaan ganashaynayn ee loo adeegsado falalka amni darrada ah.

Waxaa kale oo taliyuhu sheegay in gaarigii lagu helo isticmaalka Bacda madow lagu ganaaxidoono lacag dhan 500 oo Shilin Somali.

Halkaan hoose ka dhegayso codka taliyaha.

      codka taliyaha

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this