Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo qiray in Khilaafkooda ay ka faa’iideysanayan qaswadayaal ay halis tahay dhagartooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday inuu jiro Khilaaf Siyaasadeed buuran oo ka dhextaagan Hoggaanka iyo Xildhibaanada baarlamaanka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Khilaafyada jira ay ku macaashayaan shaqsiyaad gaara oo doonaaya inay dalka ka geystaan Qaraxyo iyo dilalk.

Kheyre, waxa uu tilmaamay in Khilaafka jira ay si dhow uga faa’iideystaan Qaswadayaasha al-Shabaab oo uu sheegay inaanu jirin cadow ka halis badan, waxa uuna intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad kale oo nafis u arka inay is khilaafan Madaxda dalka.

‘’Wey iska cadahay in Khilaafka jira ay ka faa’iideysanayaan Qaswadayaasha al-Shabaab iyo shaqsiyaad leh dano Siyaasadeed oo uu sheegay inay Shabaab kaga egyihiin dhanka qarbudaada’’

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in si wada jira looga hortago Khilaafyada ka dhex curta madaxda dalka, waxa uuna ku baaqay in khilaaf la’aanta ay horseedeyso amniga iyo kala danbeyn.

Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka looga baahan yahay in ay ka fikiraan ka hortaga hal arrin oo ah in hadii uu khilaaf yimaado ay ka faa’iideestaan Cadawga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga maadaama hadii Muqdisho ay amni noqoto gobolada kale ay amni noqonayaan,waxa uuna ugu baaqay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyan dib u heshiisiinta dalka

Hadalka Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa ku soo aadaya xili uu khilaaf ka dhexjiro Guddoonka Golaha Shacabka kaas oo curyaamiyay Shaqadii dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this